Friday, July 11, 2025

Faahfaahin: Koox hubeysan oo Weerar Dad lagu dilay ka fulisay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay weerar ka fulisay bartamaha magaaladaasi, halkaasoo ka geysatay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Kooxda weerarka qaaday oo aan la garan ayaa rasaas ooda uga qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa Bartamaha magaalada, waxaana goobta u dhintay saddex qof iyadoo laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka ka fulisay.

Dadka weerarka geystay ayaa la sheegay inaan la aqoonsan, welina ay Booliska magaalada Dhuusmaareeb baarayaan, waxaana weerarkan uu su’aalo badan ka abuuray magaalada oo ay ku cusub tahay weerarro noocan oo kale ah.

Dadka weerarkan ku dhintay ayaa waxaa ka mida Cumar Nuur Colow oo goob ganacsi lahaa iyo Liibaan Cumar oo ka mid ahaa dhalinyarada magaalada, kuna sugnaa goobta ay dableyda weerarka ku qaadeen ee bartama magaalada Dhuusamareeb.

Booliska ayaa baaraya dhacdadan, waxaana war kasoo baxay saaka Afhayeenka Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) lagu sheegay in lagu raad joogo dadkii ka dambeeyay falkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON