Monday, June 30, 2025

Farmaajo oo Baaq aanu ku xusin Maamulka Puntland kasoo saaray xaaladda Boosaaso

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa baaq kasoo saaray xaaladda colaad ee magaalada Boosaaso Gobolka Bari.

Farmaajo oo baaqiisu yimid kadib laba maalmood oo dagaal culus ka dhex socday ciidamada gadoodsan ee PSF iyo kuwa maamulka Puntland ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda, wuxuuna si toos ah ula hadlay odayaasha dhaqanka degaankaasi.

“Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara..” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia oo aan lagu soo qaadir maamulka Puntland.

Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga maarmi karey, wuxuuna dhiirrigelinayaa dadaallada nabadeynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan.

Maamulka Siciid Deni ayaa Faramaajo hore ugu eedeeyay inuu faragelin ku hayo Puntland, waxaana la tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay madaxda Hay’adda PSF.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON