Saturday, April 20, 2024

Farmaajo oo Codka Somaliya ee Q/Midoobay ku taageeray Abiy Ahmed si aan loo baarin tacadiyada..

Madaxweynaha mudod xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa codka dowadda Soomaaliya ee Q/Midoobay, gaar ahaan Guddiga Xuquuqda Aadanaha u adeegsaday inuu ku taageero Ra’iisal wasaaraha Itoobiya si aan loo baarin tacadiyadda ka dhacay dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa timid, kadib markii Golaha Xuququda Aadanaha ee Qaramada Midoobay uu cod uu qaaday, kuna anisixiyey abuuritaanka guddi khubaro ah oo caalami ah oo baaritaan ku sameeya tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya. 

Codeynta ayaa dhacday kadib shir shalay looga hadlay xaaladda xuquuqda aadanaha Itoobiya, taasi oo saraakiisha Qaramada Midobay ay ka digeen in dagaalka Itoobiya uu noqon karo mid baaha oo saameeya gobolka. 

Ad

Codaynta shalay la qaaday ayaa 21 waddan oo ka mid ah waddamada ku jira Golaha Xuquuda Aadanaha ee Qaramada Midobya waxay ku codeeyeen inay ansixiyaan qaraarkaasi, waxaana kasoo horjeestay 15 waddan oo u badan Afrikaan, Soomaaliyana ka mid tahay, halka 11 ay ka aamuseen. 

Waddamada ansixiyey waxa ka mid ah kuwa Yurub oo ay ku jiraan Biritan iyo Jarmalka, halka kuwa kasoo horjeestay ay ku jraan Soomaaliya iyo Eritrea. Soomaaliya ayaa guddigan markii loo doortay si weyn loo soo dhoweeyay, balse hadda codkaasi loo adeegsaday dano siyaasadeed.

Dhammaan waddamada Afrika ee ku jira golahan ayaa iskugu jiray kuwo diiday iyo kuwo ka aamusay, waxaana dalalka ka aamusay ka mida Sudan, Senegal, Liibiya iyo Malaw. 

- Advertisement -

Guddigan ayaa ka koobnaan doona saddex qof, waxayna la socon doonaan xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Itooobiya muddo hal sano ah. 

Dawladda Itoobiya waxay kasoo horjeesatay shirka maanta iyo dhismaha guddiga, waxayna sheegtay in shirka ay afduubeen dhinacyo leh dano siyaasadeed, sida hadalka loo dhigay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON