Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.
Farmaajo ayaa kulankaasi ku tilmaamay mid noqon kara bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka doorashada dalka.
“War saxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada JFS, kaddib kulankii dhexmaray qaar kamid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu noqon karaa bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka doorashada dalka, waxaana soo dhaweynaynaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay in dhexda la dhigo arrimaha masiiriga ah ee la isku diidanaa”. Ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa u soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaato kaalintiisa dastuuriga ah ee isku haynta iyo midnimada dalka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay ka soo qeybgalka shirka ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland uuna si toos ah ugu martiqaado shirka loo balamay saddexda bisha luuliyo oo muhiim u ah in dalku yeesho jiho siyaasadeed oo loo dhan yahay.
