Wednesday, July 2, 2025

Farmaajo oo Olole Doorasho ka dhigtay Waxqabadkii Xukuumadii Xasan Kheyre, kana leexday…

Madaxweynaha xilka banneynaya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khudbadiisa musharxnimo maanta ka jeediyey Xarunta Afisyoone, isagoo codsaday in mar kale xilka loo doorto.

Farmaajo ayaa ololihiisa ugu weyn ka dhigay waxqabadkii xukuumadii Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ay khilaaf ku lala tageen, isla markaan hadda ah musharax u taagan xilka madxweynaha Soomaaliya.

Arrimaha uu Farmaajo waxqabadkooda sheegtay waxa ka mida: Dhismaha Ciidamada, Kordhinta Dhaqaalaha, dagaalka Al-Shabaab oo uu sheegay in laga xoreeyay Sabiid, Caanoole iyo Marko. Wuxuu kaloo sheegay in waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah laga hirgeliyey iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Musharax madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa gebi ahaan soo qaadin ballanqaadkiisi Doorashadii hore 2017 oo aanu waxba ka fulin, balse wuxuuhadda ku ololeynayaa waxqabadkii xukuumadii Xasan Kheyre oo uu sheegay inuu siiyay waqti 3 sano iyo bar ah oo ay ku shaqeyso.

Farmaajo ma sheegin sidii ay ku kala tageen isaga Ra’iisal wasaaraha uu waxqabadkiisa doonayo inuu ku ololeeyo, laguna doorto mar kale, sidoo kalena sooma hadal qaadin muddo kororsigii uu isku dayey inuu sameeyo iyo dagaalkii uu la galay Ra’iisal wasaarihii labaad Maxamed Xuseen Rooble.

Ololaha Doorashada Dib u doorashada Farmaajo ayaa waxaa hareeyay fashilo badan oo soo wajahay, ayna ugu dnabeysay ildhibaannada Gobolka Gedo laga soo doortay oo gacantiisa ka baxay, isagoo hadda tartan adag kasoo wajahayo musharixiinta ay ugu horeeyaan Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Sheekh Axmed.

Rajada Farmaajo ee in dib loo doorto ayaa ah mid aad u yar, waxayna kooxda taageerta horeba u bilaabeen raadinta musharaxa labaad ee ay codkooda siin doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON