Wednesday, June 25, 2025

Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo Wasiir Goodax dib ugu celiyey mashruuc uu hor geeyay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka toddobaadla aha ah ee Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay Hindisaha Sharciga difaaca Qaranka iyo Siyaasadda daryeelka bulshada oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha difaaca iyo shaqada, xaaladda Amniga guud ee dalka,iyo howlgallada Amniga ee ka socda Muqdisho, iyadoo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu golaha warbixin ka siiyay socdaal ay magaalada Xudur ee gobalka Bakool ku tageen wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka.

Dhinaca waxaa Golaha Wasiirada uu dib ugu celiyey wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre mashruuc lagu daabacayo Manhajka cusub ee dalka, waxaana la sheegay in la waafajinayo qorshaha deyn cafinta oo dalbanaya in mashaariicda lagu bixiyo tartan furan oo loo galo mashaariicda dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON