Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.
Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa kulan ay yeesheen waxay iska dhex doorteen Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka guddiga Dowlad goboleedka Koofur Galbeed.
Yuusuf Cabbdiqaadir Maxamed ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga oo helay 10 cod, halka Maxamed Sheekh Cabbdullaahi Xasan oo la tartamay uu helay 1 cod.
Mudane Yuusuf Cabdiqadir Maxamed ayaa noqday Guddoomiyaha cusub ee Guddiga maamulka Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu watay madaxweynaha K/Galbeed.
Dhinaca kale waxaa Guddoomiye ku-xigeenka loo doortay Nuuradiin Ibraahim Aadan, iyadoo lagu wado in Guddigan ay guda galaan Doorashada ugu horeysa ee senatoorada Aqalka Sare.
