Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee labada Aqal ayaa baaq degdeg ah u diray Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa lagu yiri: “Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka”
Musharraxii kusoo gudbin waaya waqtiga loo qabtay ayuu Guddigu sheegay inaysan u suurtageli doonin inuu hoolka doorashada soo galo qofka la socda.
Waqtiga kama danbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (Duhurnimo) ee maanta oo sabti ah.
Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wada inay Berri ka dhacdo xarunta Afisyoone ee ciidamada Cirka, Xalane.