Thursday, April 25, 2024

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Barlamanka Federalka oo ka baxay Shirka Shidaalka London

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuusan ka mid ahayn mas’uuliyiinta ka qeyb galaya shirka Shidaalka Soomaaliya ee magaalada London ka dhacaya 7-da bishan Febraayo 2019.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Xuseen Yuusuf Gama’diid ayaa qoraal uu soo diray ku beeniyay inuu ka mid yahay wafdiga dowladda Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galaya sida ay shaacisay shirkadda Spectrum ee shirkan qabanqaabisay, wuxuuna intaas ku datay inay isha ku hayaan shirkaasi iyo waxa ka socda.

“Anigoo ah Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabka ee BFS. Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo inaana ku jirin qeybna ka aheyn shirka London, waxaan arkaa in magaceygu qeyb kayahay invitation-ka. Ka guddi ahaanna aad baan isha ugu haynaa, waxaana ka hadli doonnaa xog-aruurin aan wadno markeey innoo soo idlaato…” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Yusuuf oo iska fogeeyay shirka muranka badan ka dhashay ee London.

Ad

Wasiirka Kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya ayaa hoggaaminaya wafdiga dowladda ee shirka ka qeyb galaya, wuxuuna ku adkeystay in shirku yahay bandhig daraasad ee aanu jirin xaraashka la faafiyey.

No photo description available.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON