Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa saxiixay heshiiska Doorashada ee lagu soo afjaray gaaray murankii ka taagnaa qabashada doorashooyinka dalka.
Qoraal uu baahiyey xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka, iyadoo maanta la soo xirayo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.”
Heshiiska cusub oo laga akhrin doono xafladda, ayaa laga reebay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana booskiisa bedelay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Saxiixa Heshiiska ayaa saacado badan dib u dhacay sababo la xiriira cabasho ka timid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Garabkiisa, waxaana ugu danbeyn la xaliyey arrinta magacaabista xubnaha Guddiga doorashada ee xildhibaanada gobollada waqooyi.
Saxiixayaasha Heshiiska ayaa kulamo joogto ah yeelan doono, waxayna awood isu siiyeen inay wixii soo kordha ka shiraan, kana soo saari karaan go’aano cusub.
