Sunday, July 13, 2025

Lafta-gareen oo soo saaray Liiska Musharixiinta 3-dii kursi ee ugu danbeysay Aqalka Sare (Akhriso)

Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa xalay soo saaray liiska mushariixinta saddex kursi oo ka harsaneyd Senatoorada laga laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Liiska Musharixiinta ayaa ka kooban 6 Mushrax oo min laba ugu tartamaya kuraasta, kuwasoo dhammaantood ah tag, waxaana la sheegay in kursi kasta hore loo sii qorsheeyay qofkii kusoo bixi laha.

“Si aan udhamaystiro Xubnaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya, Waxaan soo saaray seddax xubnood oo ka mid ah Liiska Tartamiyaasha Xubnaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha K/Galbeed, waxayna xubnaha musharixiinta kala yihiin:-

06- Xasan Xuseen Xaaji
C/raxmaan Maxamed C/llaahi

07- Cali Sheekh Maxamuud Gacal
C/qaadir Cabdi Axmed

08- C/weli Maxamed Ibraahim
C/llaahi Roobow Maxamed

Doorashada musharixiinta ayaa magaalada Baydhaba ka dhici doonta Axadda Berri ee 14 Ogost, iyadoo K/Galbeed ay noqon doonto maamulkii labaad ee dhammeystira doorashada Aqalka Sare, kadib Puntland.

Doorashadii hore ee lagu soo saaray 5 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare magaalada Baydhaba ayaa ahayd doorasho aan tartan ka dhicin oo la sii ogaa xubnaha kusoo baxaya.

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON