Guddiga Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada dalka ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo saaka ka dhoofay magaalada Garbahaarey oo ay ku sugnaayene maalmihii ugu danbeeyay.
Guddigan oo ka kooban wasiirada arrimaha gudaha dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo K/Galbeed ayaa magaalada Garbahaarey kula kulmay waxgaradka iyo maamulka magaalada ee raacsan madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lagu wareejiyey liiska afar musharax oo u sharxan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka magaalada.
Axmed Madoobe oo hadda ka maqan magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inu magacaabo Guddoomiyaha magaalada Garbahaarey iyo ku xigeenkiisa, sida uu qorayo heshiiskii labaad ee Doorashada, si ay suuragal u noqoto in magaaladaasi ay ka dhacdo Doorasho, loona geeyo Guddiga Doorashada ciidamo ka socda Booliska AMISOM.
Xubnaha ay xilka maamulka magaalada Garbahaarey usoo sharxeen odayaasha iyo maamulka dowladda Federaalka hoostaga ee Gobolka Gedo ayaa kala ah:
XILKA GUDDOOMIYAHA GARBAHAAREY:
1- Nuur Muxumed Jaamac
2- Cali Xashi Diiriye
XILKA GUDDOOMIYE KU XIGEENKA:
1- Xuseen Baniin
2- Aadan Cismaan Nuur
