Shirar ay si hoose u soo qabanqaabisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo looga horjeedo Madaxweynaha dib lo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo faragelinta dowladda Kenya ku heyso arrimah Jubboyinka.
Shalay ayey ahayd markii ilaa 20 xisbi ay Muqdisho ku qabteen shir ay uha horjeedaan faragelin dowladda Kenya ee Maamul Goboleedka Jubbooyinka, waxayna soo saareen bayaan ka dhan ah Axmed Madoobe iyo dowladda Kenya oo ay ku eedeeyeen inay Soomaaliya ka wado faragelin, ayna sheeganeyso xuduud ka mida Badda Soomaaliya, waxayna dalbadeen in ciidamada Kenya laga saaro dalka.
Shir kale ayaa xilligan ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Jubbooyinka oo ay ka mid yihiin xildhibaano, waxaana looga horjeedaa doorashadii Axmed Madoobe ee muranka dhalisay iyadoo lagu taageerayo mowqifka dowladda Soomaaliya ee Doorashada Jubaland ka dhigtay sharci darrada.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa go’aan adag ka qaatay Jubaland iyo Axmed Madoobe, isagoo meesha ka saaray wax waanwaan oo uu maamulkaasi la galo inta uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.