Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijadii kasoo baxday shirar magaalada Garowe uga socday madaxweynaha dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.
Siciid Deni oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay inuu maanta kulan dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira, isla markaana madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in bisha Maarso bartamaheeda shir la isugu yimaado, kana codsaday Puntland inay shirkaasi marti geliso.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay Puntland aqbashay inay marti geliso shirkaasi si xal loogu helo khilaafaadka jira, kuna faraxsan yahay in Puntland kaalinteeda ka qaadaneyso midnimada iyo horumarka Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO