Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka tanaasulay Doorasho Qof iyo Cod ah, kadib markii ay xaaladu gaartay in dalku kala tago oo kala qeybsamo.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey xeritaanka shirkii wadatashiga madaxda dowladda Federaalka iyo Maaml Goboleedyada, ayuu sheegay inay u heshiiyeen madaxda maamul Gobeedyada, hehiiskii Dhuusamareeb 3-na uu tuhunsan yahay in isaga loogu heshiiyo.
“Markii ay yimaadeen Muqdisho waxaan iri shira oo ii keena wax sharci ah oo heshiis ku tihiin, waxay ii keeneen wixii lasoo saaray, saddexdii hore iila heshiiyay ayaaba iigu darnaa oo waxay rabeen inay labadan maqan u hadlaan…” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo si adag u weerarray madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed ee isaga la xijin jiray.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu Doorasho Qof iyo Cod ah uga tanaasulay laba arrimod oo waaweyn oo kala ah: Inay arrintu gaaray in shirka lagu kala tago oo Dowlad Goboleedyada ay Doorashada qaadacaan iyo in Ajnabi soo farageliyo.
“Sababta aan qof iyo cod uga tanaasulay waxay ahayd markii ay gaartay meeshii ugu danbeysay oo ay tagtay inaan laba kala doorto: In dalku kala tago anoo ku adkeysnaa qof iyo cod, iyaguna ay qaadacaan doorashada; taas macnaheedu waxay tahay Somaliland oo markii hore gaar u taagneyd inaaan haddana Shantoodana waayo. Waxaa ii soo baxday in shaqada la ii doortay ay ahayd inaan dalka isku ahayo, markaas ayaa dowladnimo iyo doorasho laga hadli karaa.. Tan labaad ee aan u tanaasulay waxay ahayd inuu shisheeye nasoo faragelyo..” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo u muuqday nin is dhiibay.
Baarlamaanka ayuu ugu baaqay inay ogolaadaan heshiiska Doorashada, wuxuuna samir siin u diray guddiga doorashooyinka Qaran ee ay hoggaamiyo Xaliimo Yarey.