Dowladda Mareykanka ayaa ku boorisay Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Qaran ee Soomaalida inay si degdeg ah u xaliyaan is mari-waaga siyaasadeed oo halis geliyey mustaqbalka Soomaaliya ayna heshiis gaaraan s loo qabto Doorashada Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.
War kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri: “Mareykanka wuxuu ku boorinayaa Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha Qaran ee Soomaaida inay hadda qaadaan tallaabo qaadaan si loo xaliyo is mari waagga siyaasadeed ee halista geliyey mustaqbalka Soomaaliya, heshiisna la gaaraan madaxda maamul Goboleedyada, kaasoo ogolaanaya in si degdeg ah loo qabto Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha”.
Mareykanka ayaa caddeeyay in khilaafka siyasadeed ee sanadkii lasoo dhaafay soo bilowday uu dhaliyey in wax horumar ah laga gaari waayo dagaalka Alshabaab, xoojinta Amniga, horumarinta Dhaqaalaha iyo wejigii koowaad ee deyn cafinta, ayna Soomaaliya wajahday musiibooyin dabiici ah iyo raashin la’aan halis ku heysa dad badan oo Soomaaliyeed.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in si degdeg loo xaliyo khilaafka ka taagan Doorashada inay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya. Arrintan ayaa ah mas’uuliyadda saaran iyo shaqada madaxda dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Waxaa Madaxda Soomaalida loogu baaqay inay dhinac iska dhigaan danahooda gaarka ah oo ay raadiyaan danta guud ee dadka Soomaaliyeed oo u qalma inay wax wanaagsan ka helaan hoggaamiyeyaashooda. “Hadda waa xillgii la xalin lahaa arrimaha taagan oo la dhameystiri lahaa qabashada Doorashada..” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay Mareykanka.
