Dowladda Mareykanka ayaa mar kale farriin degdega usoo dirtay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxayna dalbatay in sanadkan lagu dhammeeyo Doorashada Soomaaliya.
Waaxda Afrika ee wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shaacisay inay qasab tahay in sanadkan gudihiisa lagu dhammeeyo Doorashada Soomaaliya, isla markaana ay xal degdega khilaafkooda ka gaaraan Farmaajo iyo Rooble.
Arrintan ayaa timid kadib kulan xarunta wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ku dhex maray Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine.
“Waa in Doorashada lagu dhamaystiraa sanadkan… Waa in Maxamed Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble ay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda. Mareykanka waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda, amniga iyo barwaaqada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.
Dhinaca kale wasiirka Arrimaha dibadda Mohamed C/risaaq ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulan mira-dhal ahaa oo uu la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Afrika oo ay ka wadahadaleen horumarka Soomaaliya ee ku aaddan doorashooyinka socda iyo xaaladda.