Thursday, March 28, 2024

Maxaa keenay in Dalalka Saameynta ku leh Soomaaliya ay RW Rooble ula dhaqmaan sida Madaxweyne..?

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u dhoofay dalka Masar, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Dalka Masar Abdiftah Alsisi.

Waa safarkii labaad ee toddobaad gudihiis uu dibadda ugu baxo Rooble iyo midkii saddexaad marka lagu daro shirkii Waxbarashada ee uu ku tegay magaalada London; iyadoo uu dhowaan kasoo laabtay dalka Kenya oo casuumaad tan la mida uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, kadibna ay wadahadal ku saabsan xiriirka labada dal ku yeesheen magaalada Mombasa.

Rooble ayaa dalalka dibadda u arkaan inuu hadda yahay mas’uulka ugu sareeya ee Soomaaliya xilliga kala guurka ah, kadib markii uu la wareegay maamulka doorshada Soomaaliya, taasoo caddeyn u ah inuu la wareegay kaalintii madaxweyanha xilka ka dhammaaday.

Ad

Safarka Ra’iisal Wasaare Rooble ee dalka Masar ayaan wxa faahfaahin ah laga bixin, marka laga reebo inuu casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi. Wararka aya asheegaya in Masar oo ka mid dalalka saameynta ku leh Soomaaliya ay dooneyso inay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble kala hadasho xiirirka labada dal iyo Doorashada Soomaaliya.

Masar ayaa dano weyn ka leh Geeska Afrika, waxaana muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay sii kordhiyey xiisadda kala dhaxeysa dalka Itoobiya ee Biyo xireenka Webiga Nile oo xaaladu gaartay in laga cabsi qabo isku dhac milateri.

Ra’iisal Wasaaraha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo la yeelan doona Madaxda Dalka Masar inta uu joogo Qaahira.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON