Maxkamadda sare ee Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka gaartay kiiska eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel) oo in muddo ah soo taagnaa, xiisadna ka dhex dhaliyey maamullada Puntland iyo Galmudug.
Eedeysanaha oo muddo laba jeer ah ay dil ku xukumeen Maxkamadaha Puntland, waxaana xukuntii ugu danabeeyay lagu riday 11-kii November 2018 oo Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland ay ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), waxaana markaas kadib kiiskiisa la wareegtay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Side ee heer Federaal.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Gen. Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay go’aanka saaka soo baxay oo Maxkamaddu amartay in degdeg looga sii daayo xabsiga Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, haddii aysan jirin dambiyo kale, waxana Maxkamadda ay sidoo kale amartay inuusan ka bixi karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, iyo in ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano, isagoo todobaadkiiba mar iska diiwaan gelinayo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID.
Maxaad ka taqaan C/risaaq Calool-geel..?
C/risaaq Xuseen Tahlill oo loo yaqaan Ina- Caloolgeel, waxay Puntland ku eedeysay inuu ahaa madaxii dhaqaalaha iyo farsanmada ee Al-Shabaab u qaabislanaa Gobolka Mudug. Bishii July 2017 ayaa lagu qabtay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen sirdoonka Galmudug iyo Puntland, iyadoo loo wareejiyay Magaaladda Boosaaso, iyadoo maxkamadda Boosaaso ay dil ku xukuntay Novembar 2018..
–AKHRISO: Magacyada xubno ka tirsan Alshabaab iyo Daacish oo Dil toogasho ah lagu xukumay

Sanadkii 2012 ayay ahayd markii ugu horeysay ee Ina-Caloolgeel ay gacanta ku dhigeen ciidamada Puntland, iyadoo markaas lagu eedeeyay inuu qaraxyo maleegayey, iyadoo lagu xiray magaalada Garoowe.
Sanadkii 2013 ayey Puntland ku xukuntkay Dil toogasho ah, xilligaas oo uu Puntland ka talinayey C/raxmaan Faroole, xabsiga ayaa la dhigay, waxaana dhacday in dadka Koonfurta Gaalkacyo ay ka caroodeen arrintan iyagoo afduubtay dad kasoo jeeda Puntland. Caloolgeel oo xiligaasi xabsiga Garowe ku jira ayaa waxaa aakhirkii sanadkii 2014 sii daayey oo cafis u fidiyey madaxweynihii Puntland C/weli Gaas, kadib xaalad qabiil oo lagu dhameeyay arrintiisa.
Kiiska Cabdirsaaq Tahliil Ina-Caloolgeel ayaa tusaale muuqda u ah sida ay isugu mmilan yihiin cadaaladda, arrimaha qabiilka iyo Alshabaab.
WARARKA INA-CALOOLGEEL