Midowga Musharixiinta oo maanta mar kale ku shiray Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Shirkii maanta Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, ayaa la sheegay in looga hadley arrimaha doorashooyink, wuxuuna sheegay afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dib u dhaca iyo mugdiga soo galay uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxmaed Farmaajo.
Wuxuu intaas ku daray inuu Golaha Midowgooda Musharixiinta u taagan yihiin inay dalka ka dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah, lana suurageliyo in laga gudbo khilaafaadka jira.
Daahir Geelle ayaa qiray in inay wada-hadallo la leeyihiin Dowlad Goboleedyada, ayna u gudbiyeen tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, isla markaana wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.
Musharixiinta ayaa sidoo kale wadahadal kula jira Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadda hoggaaminaya Doorashooyinka dadban.
Midowga Musharixiinta ayaa weli ku dhegan Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Farmaajo oo doorashada ku wareejiyey Ra’iisal wasaaraha, iyagoo aan weli xal ka gaarin khilafka ka dhashay habraaca Golaha shacabka.
