Friday, January 21, 2022

Midowga Yurub: “Muddo kororsiga Farmaajo wuxuu khatar weyn ku yahay xasiloonida Somalia iyo Deriskeeda”

Midowga Yurub ayaa si kulul uga hor yimid muddo kordhinta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ku dhaqaaqay, iyagoo ku tilmamay mid an la aqbali karin oo haddii lagu socdo ay qaadi doonto tallaabooyin.

“Shalay, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u codeeyay in loo kordhiyo waqtiga Madaxweynaha iyo dowladda Federaalka labo sano kadib ismari waagii ku yimid geeddi-socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo afjaro ugu dambeyn 8da Febraayo 2021. Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaal dheer, oo ay taageereen EU iyo beesha caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya iyada oo loo marayo is afgarad” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Yurub

Madaxda Midowga Yurub ee Amniga iyo Siyaasaddda Josep Borrell ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyay in Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Yurub,ay si isdaba joog ah oo cad u muujiyeen inaanan sinnaba u aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, ama mid uun ama habraac kasta oo la mid ah oo la xiriira doorashooyinka, iyadoo aan la helin heshiiskii dhinacyada heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember.

Ad

“Midowga Yurub wuxuu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonto Soomaaliya, sababina doonto dib u dhacyo dheeri, ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub.

Muddo kordhinta ayuu caddeeyay Midowga Yurub in Xaqiiqdii aysan u adeegeynin danaha dadka Soomaaliyeed. Waxayna ku baaqeen in si degdega loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin, laguna saleynayo heshiiskii Sebtember 17.

Dinginta Midowga Yurub ayaa lagu soo gabaganeeyay: “Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu ka fiirsan doonaa tallaabooyin dheeri ah oo adag”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!