Mareykanka oo Farmaajo si toos ah ula hadlay, una sheegay inuusan adeegsan ciidamada, lana shaqeeyo Ra’iisal wasaaraha
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa si kala gaara telafoonka kula hadashay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Molly Phee ayaa si toos ah ugu sheegtay Farmaajo mowqifka dowladda Mareykanka, waxayna qoraalkeeda ku tiri: “Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo sida degdega ah ee loogu baahan yahay in la joojiyo hadalada iyo ficilada xiisadda kicinaya. Waxaan ku adkeeyay in ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ka ahaadaan”.
Waxay intaa ku dartay inay Farmaajo ku ku boorisay inuu ku taageero Ra’iisal Wasare Mohamed Xuseen Rooble iyo shirka uu ugu yeeray Golaha Wadatashiga, Si degdeg loogu dhammeystiro Doorashooyin lagu kalsoonaan karo.
Molly Phee sidoo kale sheegtay inay shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed H. Roble u caddeysay sida ay ku taageereyaan dadaalka uu ugu jiro qabashada shirka Golaha Wadatashiga, si loo saxo khaladaadka doorashada iyo in si degdega loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.
“Dhammaan dhinacyadu waa in ay joojiyaan falalka sii hurinaya xaaladda, ciidamada ammaankuna waa in ay dhexdhexaad ka ahaadaan” ayey hadalkeeda kusoo gabagabeysay .
