Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ku eedeeyay inay ku jiraan ololaha Doorashada madaxweynaha dalka.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay in madax maamul Goboleed qaarkood ay u ololeynayaan Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ugu baaqay inay dhexdhexaad ka noqdaan ololaha Doorashada.
Farmaajo oo warkiisu ku socday madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo ka dhex muuqday xalay xafladii taageerada Musharax Xasan Sheekh ayaa u sheegay inuu wax ka qabto xaaladda abaareed iyo dhibaatooyinka ka jira maamulkiisa.
Musharax Farmaajo ayaa ka codsaday xildhibaanada inay aad uga fiirsadaan qofka ay ku aaminayaan masiirka umadda Soomaaliyeed, xilligan xasaasiga ee la dooranayo madaxweynaha dalka hogaamin doona 4-sano ee soo socota.
Farmaajo ayaa dhowaan qaabilaad gaara la yeeshay madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo uu ka codsaday inuu ku taageero musharaxnimadiisa, lama oga sababta uu madaxda maamulada dalka ugu diiday inay lug ku yeeshaan doorashada iyadoo aanay jirin wax sharci ah oo ka reebaya, balse ay u madax bannaan yihiin inay danahooda ilaashadaan.
Goobjooge.com