Tuesday, June 24, 2025

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamud Geelle oo si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho (Sawirro)

Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay soo dhoweynta Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo hore u ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Danjire, haddana hoggaamiya Xisbiga DanQaran.

Isagoo ka hadlayey xaruntiisa magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu doonayo doorasho si Nabad ah ku dhacda, isla markaana uu rajo badan ka qabo in isbedel nabadeed uu dalka ka dhaco, isagoo ugu baaqay madaxda waqtigoodu sii dhammaanayo inay joojiyaan boobka doorashada.

“Waxaan u baahanahay Siyaasad degan iyo inay si Nabad ay doorashada ku dhacdo oo wdar wada-ogol ah.. Is-dil, dagaal isku goodin waa dagaal bilowgiis, anagana taasi dooni meeyno. Ma Rano dadkii aan xukumi lahaa inaan isku dilo..” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

Waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta badankood ay kusoo aruureen magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka hadli doonaan sida ay noqonayaan doorashooyinka dalka, isagoo ku baaqay in si nabad ah kala guurku u dhaco, rajo badanna ka muujiyey in uu ku guuleysnaayo xilka Madaxweynaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON