Monday, June 23, 2025

Puntland iyo Jubbaland oo War Cad kasoo saaraya Doorashada 2021 iyo Beesha Caalamka oo bilowday…

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegay in Madaxweynayahasha Puntland iyo Jubbaland ay War cusub ka qaadanayaan kasoo saarayaan Go’aankii Dowladda Federaalka ee hirgelinta Doorashada.

Madaxweynayaasha Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa kulami uga socdaan magaalada Garowe, waxaana la sheegay inay War-saxaafadeed kasoo saari doonaan xaaladda dalka iyo waanwaantii ugu danbeysay ee xal loo helo doorashada oo dhinacooda ay u arkaan inuu fashiliyey Madaxweyne Farmaajo.

Warka laga filayo Jubbaland iyo Puntland ayaa ah inay gebi aha qaadacaan Doorashada ay wado dowladda hadda jirta ama inay sidii hore ku baaqaan shir la isugu yimaado oo lagu xaliyo caqabadaha hortaagan Doorashada 2021.

Ad

Dhinaca kale wakiilada beesha caalamka ayaa bilaabay xiriir ay la sameynayaan dhinacyada dowladda Federalka, Maamul Goboleedyada iyo Saamileyda ay ka mid yihin Musharixiinta Madaxweynaha, iyadoo lagu wado inay War-murtiyeed culus kasoo saaraan is-mari waagga ka taagan Doorashada.

Mushariixinta Madaxweynaha ayaa xalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho ku beeniyay Warkii kasoo yeeray madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ee ahaa inuu jawaa ka waayey, waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu doonayo Doorasho loo boobo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON