Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray shirkii hordhaca ahaa ee Afisyoone oo dowladda Federaalka ay sgaacisay inuu fashilmay.
War-saxaafadeedka wadajirka ah ee Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay inuusan jirin shir fashilmay, balse Madaxda DFS ee wakhtigu ka dhammaaday iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS ay kusoo kala tageen in la tashi kadib la isu soo laabto.
“Madaxweynaha wakhtiga ka dhammaaday waxaa uu diiday in laga hadlo qodobka Awoodaha Madaxweynaha maadama xilkii ka dhammaaday, taasi oo sababtay in loo gudbi kari waayo qodobada kale Iyo ajandaha Shirka. Waxaase nasiib daro ah in markii Shirka dhammaaday uu Madaxweynuhu si uu Shirka u fashiliyo, uu amray in dadka been loo sheego oo lala wadaago Shirjaraaid oo hore u duubnaa laguna dhawaaqo in Shirku fashilmay! Taasi waxay banaanka usoo saartay sida Madaxweynaha wakhtiga ka dhammaaday uu u hortaaganyahay in dalka Doorasho aado” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Puntland iyo Jubbaland.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

