Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu ugu danbeyn aqbalay in soo dhoweyn shacab Waqooyiga Gaalkacyo loogu sameeyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Shir saaka dhex maray Wasiiro ka socda Puntland oo madaxweyne Deni u soo diray la kulanka Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xubno ka socda labada gole ee qabanqaabada socdaalka Ra’iisal wasarraha ayaa la isku mari waayey, iyadoo Puntland ay diiday in soo dhoweyn balaaran loo sameeyo Kheyre, laakiin waxay dhinaca Ra’iisal wasaaraha ku adkeysteen inuu Ra’iisal wasaaraha fagaare kula hadlo dadka Waqooyiga Gaalkacyo ama aanu halkaasi tegi doonin.
Kadib xiriiro kala duwan oo madaxda Puntland ayey ogolaadeen in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre soo dhoweyn dadweyne loo sameeyo isagoo lagu wado inuu garoonka Cawaale.