Monday, June 5, 2023

Qalbi-Dhagax oo ku biiray Ololaha Doorashada Madaxweynaha Somaliya, lana kulmay Rooble

C/kariin Muuse Qalbi-dhagax oo ah sarkaal ka tirsan Xisbiga ONLF ee Soomaalida Itoobiya ayaa galabta magaalada Muqdisho lagu soo dhoweeyay.

Socdaalka Muqdisho ee C/kariin Qalbi-dhagax ayaa kusoo beegmay maalmo kadib ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Xilgaarsiinta.

Ujeedka imaanshaha Muqdisho ee C/kariin Qalbi Dhagax ayaa lagu sheegay inuu saameyn ku yeesho Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo culeyska kusii kordhinaya madaxweynaha xilka ka degaya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu hore ugu eedeeyay inuu lahaa go’aanka loogu gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Ad

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax, isagoo ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad.

Waxaa muuqata in taageerayaasha madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ay doonayaan inay Qalbi-dhagax u adeegsadaan Farmaajo, halka taageerayaasha Farmaajo ay bilaabeen weerar ka dhan ah Qlabi-dhagax.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!