Sunday, June 22, 2025

Rooble iyo Axmed Madoobe oo Jawaabo degdega kasoo saaray Doorasho lagu qabto Ceelwaaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka xilgaasiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhoweeyay oo taageray go’aanka Guddiga FEIT ee ah in doorashadii ka dhici lahayd Garbahaarey loo wareejiyey degmada Ceelwaaq.

“Ra’iisal wasaaraha ‘isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorrinayaa Guddiga Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Ad

Qoraal uu soo saaray Axmed Madoobe ayuu ku sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolka Gedo ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari Karin doorashada taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadama ayna ja jirin kalsooni iyo xasilooni halkaas doorasho lagaga qaban karo iyo hay’ado amni oo damaanad qaadi kara Nabadgalyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaas tagi lahaa.

Axmed Madoobe ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON