Monday, July 14, 2025

Sanbaloolshe oo noqday halis cusub oo ku soo wajahan Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisal wasaare Kheyre

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali  (Sanbaloolshe) ayaa wada olole balaaran oo uu ku doonayo inuu dib ugu soo laabto kursigii Baarlamaanka ee uu banneeyay markii uu noqday agaasimaha NISA.

Sanbaloolshe oo gacansaar la leh Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid, isla markaana xil ka qaadistii lagu sameeyay ay ka dhigtay mucaarad xagjir ah ayaa hadda qorsheynaya in dib loogu doorto xildhibaanka Beeshiisa oo doorashadii hore uu ku qaatay markii uu gacan ka helay madaxweynihii Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble.

Kursiga uu sharci ahaan banneeyay Sanbaloolshe ayaa noqday mid bannaan oo la awoodi waayay in dib loo doorto kadib markii uu Sanbaloolshe adeegsaday awood iyo kharash uu kula wareegay odayga ugu weyn beeshiisa, taasoo keentay in la dooran waayo kursigaasi oo bannaanaa intii uu ahaa agaasimaha NISA.

Qorshe lagu doonayo in kursigaasi uu mar kale ku soo noqdo C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ka socda magaalada Jowhar, wuxuuna taageero buuxda ka heystaa madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, halka madaxtooyada Soomaaliya ay wadato musharax kale, dadaalna ugu jirto inuusan xildhibaan noqon Sanbaloolshe.

KASHIFAAD: Sanbaloolshe oo ku biiray Mucaaradka dowladda ee ay maalgeliso Imaaraadka Carabta

KASHIFAAD: Sanbaloolshe Ma Xildhibaan baa mise Taliye Ciidan..? [Akhriso Warbixin Xasaasi ah]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON