Sunday, July 20, 2025

SAWIRRO: Faahaahin Weerarkii Alshabaab ku qaaday Madaxtooyada & Xarunta NISA [5 Alshbaab ah oo la dilay]

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la dilay ugu yaraan 4 ka mida dableydii Alshabaab ee weerarka qorsheysan ku qaaday xarunta Madaxtooyada laga galo.

Laba qarax ayaa ka dhacay magaalada oo midkood lala beegsaday iridka laga galo Madaxtooyada, halka midka kale uu ka dhacay Isgoyska FIAT ee u dhow xarunta Nabadsugidda ee NISA.

Qaraxyada oo loo adeegsaday gawaari lasoo buuxiyay ayaa waxaa xigay rasaas aad u xoog badan oo maleeshiyo ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada dowladda dhex marayey, waxaana 4 ka mida dableyda Alshabaab ay sii galeen xarunta Dhagaxtuur oo ciidamo ay degan yihiin iyo dhismooyin ku dhow Hotel Siyaad iyo xeydaabka magaalada, iyadoo rasaastu ay weli si goosgoos ah u dhaceyso.

Gaadiidka Gurmadka degdegga ah ee Amiin ayaa sheegay in qarixii ka dhacay Agagaarka xarunta NISA ee KM 0 ay ku dhinteen 18 qof, iyadoo 20 kale ay ku dhaawacmeen, laakiin qaraxa kale ee iridka Madaxtooyada iyo rasaasta dhaceysa ayaanay jirin wax war ah oo laga soo saaray.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay Alshabaab, iyadoo ku tilmaantay howlgal lagu qaaday Villa Somalia, iyadoo uu weerarku u muuqdo mid loola dan lahaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ilaa caawa rasaastu ka dhaceyso dhismooyin ku dhow.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in la soo afjaray weerar caawa lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo la dilay Shan dabley ah oo ka tirsan Alshabaab, lagana hortegay.

Xaaladda ayaa weli kacsan magaalada Muqdisho, iyadoo rasaas goosgoos ah la maqlayo, iyadoo la xiray guud ahaan isu socodkii gaadiidka.

SAWIRRO

Meydka mid ka mida Dableydii Alshabaab oo ku lebisan Dareyskii ugu danbeeyay ee ciidamada

Weerarkii Alshabaab oo lasoo af-jaray [Akhriso: Tirada Dableyda Alshbaab ee la dilay & Faafhaahinta Qasaaraha]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON