Thursday, June 26, 2025

Shan Arrimood oo Shirka Rooble hoggaaminayo uga duwan yahay Shirarkii Farmaajo (Akhriso)

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya Sabti 22-ka bishan May 2021 shirka Qaran ee Wadatashiga Doorashooyinka, kaasoo ka duwan shirarkii ka horeeyay ee waqtiga dheer socday, kuna soo dhammaaday fashilka.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirkan loo xilsaaray, kadib markii uu fashilmay muddo kororsigii Maxamed Farmaajo iyo Golaha Shacabka, magaalada Muqdishana ay ka dhaceen Dagaalo halis geliyey Amniga, waxaana shirkan laga qabaa rajo badan oo ka duwan, kuwii ka horeeyay ee uu Farmaajo hoggaamin jiray.

SHAN ARRIMOOD OO SHIRKAN UGA DUWAN YAHAY SHIRARKII KA HOREEYAY WAXAY KALA YIHIIN:

1- Iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana uu ka baxay Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.

2- Inuu Rooble taageero ka heysto beesha Caalamka iyo inta badan dhinacyada Soomaalida, siiba mucaaradka oo ah fursad aan hore u jirin.

3- Inuu shirku ku dhacay Jawi wanaagsan oo rajo leh, loona heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore ee kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.

4- Inuu shirku yahay fursadii ugu danbeysay ee looga gudbayo is-mari waagga Doorashada dalka oo sanad ka badan oo jiitameysay, dalkana gelisay qalalaase dastuuri iyo mid amni.

5- Iyo inuu dhinac kasta iska ilaalinayo inuu qaato mas’uulyadda fashil xilligan yimaada, qolo kastana tanaasul ogoshahay markii ay soo xiree dhamman jidadkii kale.

Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka rajada laga qabo ka sokow wuxuu kaloo imtixaan siyaasadeed ku yahay kartida hoggaamineed ee Ra’iisal wasaaraha u leeyahay inuu si madax banaan u shaqeeyo oo kalsooni uga wada helo dhinacyada is haya, tasoo ugu danbeyn keenta heshiis Doorasho lagu aado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON