Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamy madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu halis ku yahay dowladnimada iyo xasiloonida dalka.
“Go’aanadii uu qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal kaso saaray xaaladda dalka, kadib xil ka qaadistii uu ku dhaqaaqay Farmaajo.
“Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hoggaaminteeda RW Mohamed Hussein Rooble. Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada” ayaa ka mid ahaa qoraalka Sheekh Shariif
Wuxuu Bulshada Soomaaliyeed ugu yeeray inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celin burbur iyo dagaal sokeeye. “Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada”