Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay galabta qaadeen ciidamo ka tirsan dharcadka Hay’adda Nabadsugidda (NISA) ee ka howlgala gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Xogta ayaa sheegeysa in ciidamadaan oo Bistoolado ku hubeysnaa, amarna ka heystay madaxda ka sareysa ay tageen hoteelka Decale ee ku yaalla gudaha Garoonka xilli markaas lagu qabtay dhaarinta xildhibaannadii lagu soo doortay Ceelwaaq.
Ciidamadan oo doonayey inay joojiyaan munaasabadda Dhaarinta ayaa rasaas ku dhex riday Hotelka, waxaana xaalad adag iyo buuq kadib soo farageliyey ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) oo Bistooladihii ka qaaday ciidamada weerarka ku galay gudaha hoteelka, kadibna xiray.
Xubnaha NISA oo Ciidamada ATMIS ay gacanta ku hayeen muddo kooban ayaa markii dambe lagu wareejiyay Taliska booliska Garoonka Aadan Cadde.
Guddoomiyaha KMG ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Dhabancad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay weerar kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda.
Wuxuu intaas ku daray Guddoomiye Dhabancad in meelo badan oo ay doonayeen inay ku dhaariyana xildhibaannadan oo watay shahaadooyin sharci ah loo diiday, galabtana lagu soo weerarray xafladii dhaarta, balse aysan sii wadi doonaan shaqadooda.
