Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Gashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane ayaa maanta lagu dilay dagaal ka dhacay degaanka Kala-Beyr ee duleedka magaalada Beledweyne.
Taliyaha ayaa ku dhintay dagaalka oo dhex maray ciidamo taabacsan Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo ciidamada Hirshabelle oo isku qabtay cidda maamuleysa canshuurka lagu qaado barta kala-beyrka, waxaana dagaalkaasi uu geystay qasaare kala duwan.
Maamulka HirShabeelle ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeysaneysa dilka taliyaha, ayna tallaabo Sharci ah ka qaadi doonaan.