Iyadoo isbedello waaweyn ay ku socdaan Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa taliyihii NISA ee Gobolka Banaadir loo wareejiyey Booliska iyadoo loo magacaabay taliyaha Boolisak G/Banaadir.
Isbedelladii ugu horeeyay ee lagu yareynayo awoodda NISA ayaa saameyn ku yeeshay ciidamadii xasilinta iyo iyo qeybtii Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo loo bedelay ciidamo Boolis ah, iyadoo ciidamada Booliska G/banaadir loo magacaabay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ahaa taliyihii NISA ee G/Banaadir.
Dhinaca kale taliyihii hore ee Ciidamada Booliska G/Banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa loo wareejiyey ciidamada nabadgelyada Wadooyinka ee Taraafikada. waxaana mar kale tallaabadan ay xoojisay ciidamada Booliska oo helay ciidamo iyo taliye cusub, iyadoo dhowaan golaha wasiirada uu Boolis u bedelay Guutadii 14-ka Oktoobar ee ciidamada milateriga.
Hay’adda NISA ayaa la sheegay inay madaxda sare ku heshiiyeen in awoodeeda la dhimo, shaqadeedana lagu soo koobo sirdoon, iyadoo hubka waaweyn laga wareejinayo lana yareynayo ciidamadeeda.