Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa khiyaano Qaran iyo arrin ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya ku tilmaamay askarta sida qarsoodiga ah tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in in gebi ahaanba mugdi badani ku hareeraysan yahay xogta la xiriirta dhallinyarada la geeyay Eritrea iyo bed-qabkooda, Dawladuna aysan ilaa hadda ka jawaabin codsiga iyo cabashada waalidiinta iyo tan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalida midna.
“Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF” ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.L abadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iy Federaalka xukuumadda Soomaaliya.
Wasiir Juxa wuxuu caddeeyay in taariikhda aysan marna cafin doonin inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan. “Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah.Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.
