Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa dowladda Somalia ku eedeeyay inay caruur u qoraneyso askar, taasoo keenay inay diidaan in laga qaado magaalada Beledweyne oo la geeyo Galgaduud.
Ugaaska oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah dooneyso in ay Carruur ka askareyso Magaalada Baladweyne, isla maraana uu Taliye ka yimid Gobolka Galguduud uu ku sugan yahay magaalada Baladweyne si uu Caruurtasi uga qaado Magaalada Baladweyne loona geeyo Gobolka Galguduud, sida uu yiri.
Wuxuu Ugaaska ku dooday in si kale loo bedelay hadal kasoo yeeray Odayaasha dhaqanka Baladweyne oo laga dhigay in Odayaasha beeshiisa ay diideen Ciidamo laga qaadi lahaa Magaalada Baladweyne, wuxuuna yiri: “Beeshaasu ma diidin Ciidan dowladeed ee waxay diideen Carruur laga soo ururiyay Degmooyinka qaar ee Gobolka Hiiraan…”
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kashifay xiriir uu la sameeyay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya isagoo wax ka weydiiyay sababta ay u diideen in Ciidamada laga qaado magaalada Beledweyne, laakiin uu siiyey jawaab ah inaysan Ciidan diidin in la qaado ee ay diideen Carruur.
Ugaaska ayaa cilad kale soo shaac bixiyey taasoo ah in Taliyaha dowladda Federaalka u dirtay Beledweyne ee doonaya inuu Ciidamadaaasi ka qaado magaalada Baladweyne uu tdodobaadyo ka hor ku lug lahaa dagaal beeleed, wuxuuna dalbaday in Jeneraalkaasi degdeg looga saaro Beledweyne.
Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha Beledweyne ay arrintan ku dhalisay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa beesha degan Galgaduud, waxaan Ugaas Xasan ay tahay markii ugu horeysay ee uu ka hor yimaado qorshe ay wado dowladda uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Farmaajo, isagoo hore muraacad ugu ahaa dowladii Xasan Sheekh.