Thursday, April 18, 2024

WAR CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo xaalad adag kasoo wajahday kordhinta tirada Golaha Wasiirada cusub

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa xaalad adag ku dhex jira kadib qorshe uu ku kordhiyay tirada Golaha wasiirada cusub ee la magacaabayo.

Farmaajo ayaa laga war helay inuu tirada Golaha wasiirada ka dhigay 30 wasiir, halkii ay hore uga ahaayeen 25 wasiir, waxayna arrintan keentay khilaaf ka dhex dhashay awood qeybsiga beelaha dhexdooda.

Xog ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo ujeedkiisu ahaa in min lix wasiir la siiyo si siman shanta beelood ee Soomaalida, wasiirada uu soo kordhiyayna uu doonayay inuu xaliyo shaqsiyaad xildhibaanada ee muhiimka u ah kalsooni siinta xukuumadda.

Ad

Arrintan ayaa dhinac kale isu rogtay markii beel kasta dhexdeeda ay isku qabsatay xilka soo kordhay jufada loo qoondeynayo, waxayna madaxweynaha ku qasabtay inuu kulamo ugu yeero beelaha.

Magacaabidda golaha wasiirada ayaa la sheegay inay cakiran tahay iyadoo madaxweynaha uu si toos ah gacanta ugula jiro soo xulista xubnaha ka mid noqonaya xukuumadda cusub.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON