Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu caawa shir kale ka socdo Madaxtooyada Galmudug, kadib markii beesha Caalamka faragelin ku sameysan Galabta.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed oo uu wehliyo Guddoomihaha Gobolka Banaadir, waxaana ka maqan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa isku mari waayey arrinta Gobolka Gedo iyo sida Doorashada 2021 loogu qabanayo magaalada Garbahaarey, waxaana lagu kala tegay shirka maanta gelinkii hore markii ay socon waayeen ilaa saddex soo jeedin oo dhinacyadu ku howlanaayeen.
Ma cadda waxa kasoo bixi doona shirka u socda madaxda maamul Goboleedyada ee taageersan Madaxweyne Farmaajo iyo inay ku biiri doonaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ka maqan, iyadoo shirarkii hore lagu daalay, isla markaana aanu muuqan hindiseyaal cusub oo xal lagu raadinayo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmdug oo dadaalkii ugu danbeeyey ku jira ay isaga iyo madaxweynaha Puntland tageen halka uu Dhuusamareeb ka degan yahay Axmed Madoobe oo hadda shir u soco si ay u qanciyaan inuu shirka caawa ka qeyb galo.
Beesha Caalamka ayaa xiriiro la leh madaxda weli ku sugan, waxayna ku cadaadineysaa inay heshiis gaaraan oo aan lagu kala tegin shirka Dhuusamareeb 4, xilli madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu Berri kaso dhoofo magaalada, khudbadna ka jeediyo kulanka uu isugu yeeray Baarlamaanka, kaasoo uu qaadacay Guddoomiyaha Aqalka Sare.
