Monday, June 23, 2025

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo shaaciyey Maamul Goboleedka ay u xayiran yihiin Guddiyada Doorashada

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaaciyey Maamul Goboleedka kaliya ee ay u xayiran tahay howshii Guddiga Doorashada iyo dhameystirkeeda.

Qoraal kasoo baxay afhayeenka xukuumadda ayaa lagu sheegay in maamulka Galmduug uu yahay kan kaliya ee aan weli so dirin xubnihii laga sugayey inuu soo bedelo, waxayna Ra’iisal wasaaraha iyo Guddiga uu magacaabay ka dalbadee inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska laga sugayo.

“Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Ad

Wuxuu intaas sii raaciyey: “Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah”.

Waxyar kadib markii warkan soo baxay ayuu afhayeenka Xukuumadda hadda shaaciyey qoraal uu ku yiri: “Wadahadal khadka telefoonka ku dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayuu Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyay Ra’isul Wasaaraha sida ballankuba uu ahaa inuu soo gudbinayo liiska sida ugu dhaqsaha badan. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u mahad celiyay Qoor Qoor si la mid ah sidii uu ugu mahad celiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee horey u soo gudbiyay liiska”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON