Tuesday, July 1, 2025

Xasan Kheyre oo markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil iyo Khilaafka Rooble iyo Farmaajo

Ra’iisal wasaarihii hore, ahna musharax xilka madaxweynaha Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta, wuxuuna soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda adag ee dalku ku jiro iyo qilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble.

“Waraaqda maanta ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday waa mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka. Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta in ay dardar geliyaan habsami u socodka doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac amni. Madaxda maanta talada dalka haysa waa in ay u hoggaansamaan dastuurka, ilaaliyaanna madaxbannaanida hay’adaha madaxa bannaan sida garsoorka, hanti-dhowrka iyo bangiga dhexe” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Kheyre.

Wuxuu sheegay in sida ku cad dastuurka ay tahay in xuquuqda muwaaddinka loo ilaaliyo si buuxda. “Waa in kiiska Ikraan Tahliil looga dambeeyaa hay’adaha garsoorka si iyada, waalidkeed iyo shacabka Soomaaliyeedba u helaan caddaalad waafi ah” ayaa ka mid ahaa warka kasoo baxya Ra’iisal wasaarihii hore markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska culus ee Sarkaallada ka tirsaneyd Hay’adda NISA.

Wuxuu si toos ah uga hor yimid Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, isagoo ku tilmaamay mid dib u dhac iyo sharaf xumo u ah dowladnimada curdunka ah iyo geeddi socodka dib loogu xoojinayo hay’adaha dawladda.

“Lama aqbali karo saxna ma aha in caddaalad u raadinta muwaaddinadan Soomaaliyeed dood la geliyo oo la iska indho-tiro xadgudubka loo geystay. Waa inaan si mideysan uga hor-tagno shaqsi kasta ee diiddan kiiska Ikraan oo hadda hor-yaal caddaaladda” ayuu qoraalkiisa ku caddeeyay.

Beesha caalamka ayuu ugu baaqay inaysan ka niyad jebin xaaladda dalka balse ay kala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON