Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka, ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn sheegay wixii ay isku khilaafeen madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu la shaqeynayey 3 sano iyo bar ee keentay inuu xilka Ra’iisal wasaaraha ku waayo.
Isagoo dhowaan barta Clubhouse kula hadlayey dhalinyaro ayuu sheega sababta uu darteed xilka uga tegay, sida uu yiri oo ah inuu diiday inay dalka ka dhacdo doorasho boob ah oo lagu shubto ayna codeeyaan ciidamo iyo xildhibaaor xoog lagu soo qortay.
“Kaliya waxaan kasoo horjeeda inay ka dhacdo doorasho aan xalaal ahayn, inay ka dhacdo doorasho boob ah, waxaan kasoo horjeeda Doorasho askar inta meel la geeyo ay coddeeyaan, ama xildhibaanno xoog lagu soo xusho..” ayuu yiri Xasan Kheyre, isagoo sheegay inuu u taagan yahay doorasho xor iyo xaal ah oo la ila ogol yahay.
HOOS KA DAAWO