Monday, July 14, 2025

Xasan Sheekh: “Ciidan ka Amar qaata madaxweynihii hore ayaa weerar ku soo qaaday Hoygeyga..”

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamo ka ama qaata Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ay weerar ku soo qaadeen, sida uu yiri.

“Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka” ayuu yiri Xasan Sheekh oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Xasan sheekh ayaa intaas ku daray in Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan uu qaadi doono Farmaajo.

Dagaalka ka dhacay Mirinaayada ayaa la sheegay in markii dib loo riixay ciidamadii NISA ay mar kale soo rogaal celiyaan ciidamada Gorgor oo gaadiid kala duwan oo dagaal wata.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa farriintan u diray dadka Muqdisho. “Waxaan shacabka Muqdisho ugu baaqayaa in ay difaacaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay hoygiisa weerar ku yihiin ciidamo ka amarqaata Farmaajo. Waxaan AMISOM uga digaynaa in aysan dagaalka qayb ka noqdaan. Rasaasta uu taliyaha NISA Fahad Yaasiin ka qaaday AMISOM waa mid colaad lagu hurinayo”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON