Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka si rasmi ah ugala wareegay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo munaasabad ka dhacday xarunta Villa Somalia.
Waxa uu xilka Madaxweynaha JFS kaga la wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Madaxweynihii sagaalaad ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey walaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, wuxuuna uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.
Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ku wareejiyey madaxweynaha cusub faylasha badda, kuwa dayn cafiska iyo mid ay Soomaaliya ku codsanayso inay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Soomaali ah oo dhan ilaa 5 kun oo lagu tababaray dalka Eritrea inay tababarkooda dhammaysteen sannadkii hore bartamihiisa balse dib loo dhigay soo noqoshadooda, si aysan saamayn ugu yeelan xaaladdii siyaasadeed iyo doorashada ee dalku ku jiray.
Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore Farmaajo, waxaana uu sheegay inuu yahay oday Soomaaliyeed oo lagala tashan doono xaaladda waddanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ee ku sugan Eritrea sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celin doono dalka si ay uga qaybqaataan xoraynta waddanka, sida uu hadalka u dhigay.
Munaasabadda Xilwareejin Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa ka soo qayb galay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale.








