Buuq iyo isku dhex yaac ayaa hareeyay hooka Doorashadaxarunta Afisyone ee ay ka socoto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo wareegeedii labaad uu soo dhammaaday.
Xildhibaanno badan iyo Musharixiin miisaan leh ayaa u wareegay dhinaca Musharaxa hoggaaminaya wareegga labaad Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan codadkiisa ku biiriyey Musharax Siciid C/llaahi Deni, iyadoo uu hore u taageeray Mushrax Shariif Sheekh Axmed.
Hooka ayaa isu bedelay buuq iyo isku dhex yaac u muuqda dabaaldeg hordhac ah, waxaana la arkayey xildhibaanno badan oo u hambalyeynaya, iskuna wareejiyay Musharax Xasan Sheekh, ayna ka mid yihiin musharixiin badan oo tartanka ka haray.
Muddo xaaladaas lagu jiray, kadib waxaa bilowday wareega saddexaad oo lagu kala baxayo cod hal-dheeri ah, waxaana ku tartamaya: Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.