Madaxweynaha Galmudug Axmed Maxamed Islaam ayaa sanado badan kadib gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo madaxda Soomaalida Itoobiya ay soo dhoweeyeen.
Tegista Axmed Madoobe ee Itoobiya oo in muddo ah la hadal hayey, lana sheegay inay ka shaqeysay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xilligan kusoo beegantay, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan kaalinta Itoobiya iyo Abiy Ahmed ee ku wajahan Jubbaland iyo Dowladda Xasan Sheekh.
Axmed Madoobe ayaa magaalada Addis ababa waxaa kula kulmay Madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo mas’uuliyiin kale inta aan lala kulansiin Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Arrintan ayaa dhalineysa in Itoobiya ay dib u soo nooleyso xiriirkii tooska ahaa ee ay la lahayd Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya oo gebi ahaa istaagay xilligii dowladii Farmaajo, waxayna weji gabax ku tahay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir fiican la leh Imaaraadka iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar ku sigtay inay qabtaan Kulaamdooska Itoobiya oo la sheegay inay u adeegsatay dowladii Farmaajo, waxaana hadda muuqda isbedel weyn oo labada dhinac ku yimid.
