Wednesday, June 25, 2025

XOG: Beesha Caalamka oo cadaadis saareysa Farmaajo, kadib shirar dhex maray Siciid Deni, Axmed Madoobe & Mucaaradka

Wakiilad Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulamo kala gaara ah khadka internet-ka kula yeeshay Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxda maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Kulankii ugu danbeeyay waxay maanta la yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, iyagoo shalay laba kulan oo ka dhacay aallada ZOOM-ka la kala yeeshay Musharixiinta Madaxweynaha ee Muqdisho ku sugan iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyadoo dhammaan kulamadaasi looga hadlay is mari waaga ka taagan Doorashada 2021 iy sidii xal loog heli lahaa.

Xogta laga helay shirarkaasi ayaa sheegeysa in wakiilada Beesha Caalamka ay dhinacyada kala duwan wax ka weydiiyeen caqabadaha heysata Doorasho la isla ogol yahay iyo sida ay uu u arko xalka, waxayna ururiyeen fikradaha ay qabaan dhinaca ka horjeeda dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kale kulamo iyo xiriir la sameeyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda maaml Goboleedada kale.

Wxaaa la filayaa inay madaxweynayaasha maamul goboleedyada kulan ku yeeshaan internetrka, kaasoo hordhac u ah kulan guud oo lagu heshiiyo in la isugu yimaado.

Wakiilada Beesha Calaamka ayaa dadaal ugu jira in la qabto shirweyne ay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, arrintaas oo ay taageereen musharixiinta, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, laakiin uu diiday Madaxweyne Farmaajo oo hadda lagu cadaadinayo inu u shirkaasi qabto ama ay beesha caalamka qaban doonto.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Q/Midoobay ayaa lagu yri: “Iyagoo sii wada kulamada khadka Internet-ka ah oo ay la yeelanayaan madaxda Soomaalida, ayey maanta saaxiibbada caalamku ku boorriyeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu sii wado xal u helidda caqabadaha doorashooyinka dalka iyadoo loo marayo Wadahadal iyo isu-tanaasul.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON