Saturday, July 5, 2025

XOG: Beesha Caalamka oo Go’aan ka gaareysa is-mari waaga Doorashada ee Farmaajo iyo Puntland/ Jubbaland

Kadib toddobaad ay wakiilada Beesha waanwaan ka dhex waday Madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, waxaa hadda la sugayaa go’aan hore loogu socdo oo keenaya in labada dhinac is hor fariistaan.

Shirkii uu Farmaajo isugu yeeray madaxda Maamul Goboleedyada inay isugu yimaadaan Muqdisho 18 Febraayo ayaa fashilmay markii ay damaanad dalbadeen Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, laakiin waxaa horumar laga gaaray arrimihii la isku hayey markii beesha Caalamka ay Guddiyo Farsamo oo dhinacyda ka socda isugu geysay magaalada Baydhaba.

Horumarkaas aya kasoo shaqeysay Beesha caalamka ee lagu garay shirkii Baydhaba, kadib waxaa lagu waday in Muqdisho shir kale ka dhaco si loo saxiixo heshiiska, loona bilaabo Doorashada, laakiin shirkii Muqdisho ayaa mar kale fashilmay waxaana hareeyay dhacdadii Muqdisho ee 19-ka Febraayo oo ciidamada dowladda ku weerarreen bannaanbixii Musharixiinta Madaxweynaha.

Wakiilada Beesha Caalamka oo mar kale soo faragelisay arrintan ayaa dhinac kasta shir la yeelatay, kana ururisay mowqifyadooda sidii xaalada cakiran looga gudbi lahaa, waxaana dhinacyada Puntland iyo Jubbaland ay shuruudo ku xireen shirarka iyo arrimaha Doorashada, waxaa sidoo kale shuruudahooda gudbiyey Mushirixiinta Beesha Caalamka.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku fashilmay muddo laba jeer ah inuu shir isugu yeero madaxda dowlad Goboleedyada markii ay diideen madaxda Jubbaland iyo Puntland, waxaana rajada kaliya ee hadda jirta ay tahay tallaabada ay qaadi doonto Beesha Caalamka.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaan caddeeyay inaysan hor fariisaneynin Farmaajo oo Madaxweyne sheeganaya, ayna doonayaan in Beesha Caalamka ay qaadato kaalinteeda, waxaana shuruudaha ay wataan ugu muhiimsan:

1- Damaanad qaadka shirka iyo fulinta wixii kasoo baxa

2- In shirkuna ka dhaco meel dhexdhexaad ah, sida Xalane.

3- In shirarka wadatashiga Doorshada laga qeyb geliyo Midowga Musharixiinta.

Beesha Caalamka waxay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa ee Maxamed Xuseen Rooble ku riixeen inuu door muuqda ka qaato arrimaha Doorashada, waxaana lagu wadaa inuu shaaciyo shir ka dhacay Xalane, kaasoo aanu ka qeybgaleynin Farmaajo, isaguna uu meteli doono dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON