Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay xeelad cajii ah u adeegsatay weerarkii ay ku dileen askariga Mareykanka ah, kuna dhaawaceen 4 kale duleedka magaalada Kismaayo ee Baar Sanguun.
Sida uu qoray websiteka Daily Beast ee dalka Maraykanka waxay Alshabaab sameeyeen xeelad ah inay Webiga Jubba u leexiyeen sladhig ay degeen ciidamada Mareykanka, kuwa Kenya iyo maamulka Jubba, ee duleedka Kismaayo, hakaasoo markii uu ku fatahay ay ciidamadaasi ka baxeen dhufeysyadii ay sameysteen oo ay dhul sare raadsadeen, markaasoo ay bilaabeen maleeshiyada Alshabaab weerar madaafiic iyo hubka waaweyn ah inay ku qaadeen ciidamadaasi.
Askari Mareykan ah ayaa ku dhintay weerarka Alshabaab, iyadoo ay ku dhaawacmeen afar kale, waxaana sidoo kale ciidamo Soomaali ah. Qasaaraha dagaalka iskuma khilaafin Mareykanka iyo Alshabaab.
Inkastoo warkan aysan xaqiijin waaxda difaaca ee Mareykanka, haddana Alshabaab ayaa dhowr jeer isticmaalay xeelado ay ka mid tahay inay Daadad ku fatahaan goobaha ay ka cabsi qabaan in laga soo weerraro ee Gobolka Sh/hoose.